Hoobeeyaa hoobeeyaa hoobeeyaa Hooyo maxaa weydood la waalan hooyo Ma geelii baa arooray? Arooro oon ku raagay; Hooyoo maa aabaa kaa socdaalay? Socdaaloo safar ku raagay; Hooyoo ma naaskiibaa gabnooday? gabnoodoo godal ka weyday
Hooyo ha waayin walaalo dhawr ah Hooyo ha waayin wardheere aabe! Hooyo ha waayin wax siio hooyo! Hooyo ha waayin intii wax kuu ah!
Yaa dilay oo dagaalay? ayaa duur kulul ku jiiday? Ninkii dilay ee dagaalay Ninkii dakharada ku jiiday Dagaalbaa naga dhaxeeya Dabkana kala qaadanmeyno Dab iyo Qool baan u qaadan